Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dubia Ee Dalka Imaaraadka.
Bartamaha(Dubia):-Madaxweynaha Dowlada Fd Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka soo dagay garoonka Dubia Ee Dalka Imaaraadka Carabta.
Wafdiga Madaxweyne Shariif oo uu ku jiro Wasiirka Arimaha Dibada Cali Jaamac Jangali ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madax sare oo ka tirsan Imaarada Dubia.
Wafdiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay saaka ka soo kici timeen Magaalada Dooxa Ee Dalka Qatar halkaasi oo uu shalay kulan kula soo yeeshay madaxda Wadankaasi.
Madaxweyne Shariif iyo Wafdigiis ayaa la filayaa in ay maraan inta badan Imaaradaha kala duwan Ee Dalka Imaaraadka Midoobay Ee Carabta ah .
Safarada Madaxweynaha Soomaliya uu ku marayo Wadamada Carabta ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli dalka Soomaaliya ay dhibaato xagga ammaanka ah ay ka taagantahay .
Wixii warar ah Eek u soo kordha kumada maanta lagu wado in ay yeeshaan Madaxda Dalkaasi iyo Wafdiga Madaxweynaha waxaad kala socon kartaan www.Bartamaha.Com
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments