Madaxweynaha DKMG ah iyo Wafdi uu hogaaminaayo iyo Augustine Maiga oo maanta ka dagay magaalada garoowe.
Garoowe (www.Bartamaha.com):- Wararka ka immanaya xarunta Puntland ee Garoowe, ayaa waxa ay sheegayaan in wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo madaxweynaha soomaaliya Shariif Sheekh Axme in maanta ay gaareen magaaladda garoowe ee xarunta maamulka gobaleedka Puntland.
Madaxweynaha oo ay wafdigiisa ka mid yihiin wasiiro ka tirsan dowladda TFG-da ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha garoowe, waxana loo tumay markii ay soo dageen astaanka heesta calanka soomaaliya waxana soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo isna horrey u joogay garoowe.
Markii ay ka soo dageen garoonka ayaa waxa loo soo galbiyay dhinaca xarunta madaxtooyadda halkaas oo kulan albaabada u xiran ay kula qaateen madaxweynaha Puntland iyo wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya
Dhinaca kale, waxa maata isna soo gaaray magaaladda garoowe ee gobalka Mudug wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan soomaaliya Augustine Mahiga
Waxa la filayaa in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin halka lagu qaban doono shirka wada tashiga ee bisha soo socoto dhacaya iyo in la xoojiyo xiriirka TFG-da iyo Maamulka Puntland.
Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu tago tan iyo markii la doortay sanadkii 2009- waana yaraa xiriirka uu la lahaa maamulka Puntland dhoor jeer ayuuna hakad galay.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments