Madaxweynaha dalka”Waxan digniin u dirayaa dhalinyara tahriibeysa”
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu baaq iyo digniin u diray dhalinyarada soomaaliyeed kuwaa u sii cararayo dalalka yurub iyo carabta.
Mudane Xasan Sheekh ayaa yiri: ” Dhalinyada Soomaaliyeed u sii cararya dalalka shasheeye waxaan u dirayaa digniin waxaan ogahay waxa aad kacareysaan in ay yihiin wax basiid ah waxaana ka daran meesha aad u carareysaan waxaan idinkugu baaqayaa in aadan tahriibina islamarkaana aad ka qeyb-qaadataan dhisida dalkiina hooyo”
Xasan Sheekh maxamuud Madaxweynaha dalka ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunool dalka Talyaaniga kuwaa uu ku sheegay in ay heesato dhibaato aad u weyn islamarkaana aysan shaqeysan karin kana bixi karin dalka.
Sikastaba hadalka madaxweynaha ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmo kahor dhalinyo Soomaaliyeed oo tahriiba ay ku halaagsameyn badaha talyaaniga.
Comments
comments