Madaxweynaha dalka Nigerian oo wacad ku maray in la tirtiri doono kooxaha Argagixisadda ee weeraradda ka geestay dalkiisa.
Abuja (www.Bartamaha.com):- Madaxweyne Good Luke Jonathan ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan Kooxda Islaamiga ee Boko Xaraam oo sheegatay masuuliyada weerar todobaadkii horre daba yaqaadiisa lagu qaaday xarunta QM ee magaaladda Abuja, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19-qof halka daraasin kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha dalka Nigeria ayaa siddoo kale sheegay in ay kala kaashan doonaan baaritanadda weerarkii lagu qaaday jimcihii horre dhismaha QM ee Abuuja, hay’adda Muqaabaraadka dalka Maraykan ee FBI-da.
Kooxda Boko Xaraam ayaa xirir la leh Al-Qaacida waqooyiga Africa iyo Ururka Al-Shabaab, waxana ay ka soo horjeeda wax barashadda reer gabeedka, dhoor jeer ayay weeraro ay ka geesteen dalka Nigria.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments