Calendar

Madaxwayne Faroole oo amaanay Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland.

Madaxwayne C/raxmaan Faroole

Madaxwayne C/raxmaan Faroole

Bartamaha (Garowe):-Madaxaynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa Amaanay wax qabadka Wasaaraadda Caafimaadka ee Maamul Gobaleedka Puntland isagoo ku tilmaamay in ay talaabooyin wax ku ool ah qaadeen.

Madaxwayne Faroole ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu booqday xarunta Wasaaraadda Caafimadka xilli ay ka socdeen Imtixaano u socday Arday dhameesatay Caafimaadka si ay ugu soo biiraan Shaqaalaha Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka u diiwaangashan.

“Dadaal Muujiya, aduunka Maanta is Badal ayuu ku dhisanyahay mar walba wax cusub ayaa Caalamka ku soo kordha” ayuu Ardaydii Imitixaanka oga socday Wasaaradda Caafimaaka uu ku booriyay Madaxayne C/raxaamn Faroole.

Hadalka Madaxwaynaha ayaa ku soo aadayaa xili Cusbitaalka Garowe dhismo dib u habayn ah ka socdo islamarkaana la kala fasaxay dhamaan howlwadeenadii cusbitaalka oo iminka imtixaano ku jira kuwaas oo lugu kala saari doono aqoontooda

Xafiiska Bartamaha ee Muqdisho.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: