Calendar

Madaxwayne Barack Obama oo shacabka ciraaq u hambalyeeyay.

bilde

Bartamaha (Nairobi):- Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mr, Brack Obama ayaa hambalyo u diray shacabka dalkaasi Ciraaq, Obama ayaa Hanbalyadana ku soo beegay xilli ay Shacabka dalkaasi Ciraaq ay u codkooda ay ka dhiibteen Doorashada Baarlamanka ee dalkaasi Ciraaq.

“Cod bixinta maanta waxa ay cadeeneeysa in Mustaqbalka Dalka Ciraaq uu ku xiranyahay shacabka Ciraaq” ayuu yiri Madaxwayne Obama.

Madaxwayne Barack Obama ayaa doorashada dalkaasi Ciraaq ku tilmaamay in ay tahay Tilaabo geesinimo leh oo ay qaadeen shacabka Ciraaq.

“waxan u hanbalyeenayaan shacabka Ciraaq oo codkooda si geesinimo leh ugu dhiibtay Doorashada Baarlamaanka” ayuu yiri Madaxwayne Obama.

Dhan kalle Madaxwayne Obama ayaa sheegay in ay ciidamada Dowladiisa ka jooga dalka Ciraaq ay dalkaasi isaga bixi doonaan dhamaadka sanadka danbe.

Axad, March 7, 2010, ayay doorashooyinka Baarlamaanka dalkaasi ka biloowdeen iyadoo ku dhawaad 19 Million oo qofood ay ka qeeb galeen doorashooyinka iyadoo tirada shacabka Ciraaqiyiinta ay gaaranayaan 28 Million oo qofood.

9AF46C12-17FB-411C-BE0C-900A99E456D0_w527_s

In ka badan 6,000 Musharax ayaa ku tartamaya 325 kursi Baarlamaan iyadoo inta badan Musharaxiinta ay ka kala socdaan Xisbiyada dalkaasi Ciraaq.

Maalintii koowaad ee doorshada dalkaasi Ciraaq waxaa dalkaasi ka dhacay Qaraxyo iyo weeraro ka kala dhacay Magaalooyin kala duwan oo dalkaasi ku yaala sida Mosul, Falluja, Baquba, Samarran iyo magaaladda Bagdad, iyadoo ay weeraradan ay ku dhinteen Dad badan oo Ciraaqiyiin ah.

Ciidmada Huwanta ee uu Hogaanka u hayeen Ciidanka dowladda Mareekanka ayaa sanadkii 2003 waxa ay duuleen ka qaadeen dalka Ciraaq si ay meesha ooga saaraan Maamulkii Madaxwayne Saadam Hussein oo dalkaasi mudo badan xukumayay.
Sanadkii 2005 ayay shacabka reer Ciraaq u codeeyeen Doorashada Baarlamanka balse doorashadan ayaa midii hore wax badan kaga duwan iyadoo ay sii koradhay tirada dadka codeenaya doorashadan Baarlamaanka ee haatan dalkaasi Ciraaq ka dhacday.

Iyadoo wali la sugayo Natiijada Doorashada Baarlamaanka aya haddana waxa ay dadka Siyaasada Falanqeeya ay sheegayaan in ay suuragal tahay in ay natiijada daahdo.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

Xafiiska Bartamaha ee Nairobi-Kenya.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: