Calendar

Madaxwaynaha Puntland oo maanta xariga ka jaray wado laami ah oo isku xiri doonta Kontoroolka iyo dekada Bosaaso

Xaflada Xarig jarka oo ka dhacday Hoolka Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso ayaa waxaa ka qayb galay Maamulka Gobolka Barri,Kan degmada Boosaaso,Wasiiro,Waxgarad,Haween iyo dadwayne kale .

BARTAMAHA – Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad dheer ka jeediyey Munaasibada ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in Wado Laami ah oo Cusub laga hirgaliyo Boosaaso oo ah xarunta Ganacsiga Dowlada Puntland.

”Waxaan oran lahaa Hay’adda dhistay Wadadan ee UN-HABITAT wax kale haqaban hadii aad Hal Milyan oo Doolar aad hesho Jid noo geli,waxaanu rabnaa anagu wax waxtar leh oo wadanka ka muuqanaya”Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Gaas .

”Hada waxaa jirta lacag dowlada Germany ugu deeqday Puntland shirkii maalintii dhoweyd aanu ku qabanay Garowe kadib lacagtaasi oo dhan 23.5 Million oo euro,way isoo waydiiyen waxa ay noogu qabanayan,waxana u sheegay inay noogu qabtaan oo kaliya jid”Ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxwayne Mudane Cabdiwali Gaas .

”Boosaaso waxba ma ahaaten Puntland wax ma ahaaten hadaysan jidkaa iyo Dekadaa lahaan lahayn ”Ayuu yiri Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Mashruuca lagu dhisayay wadadaan Laamiga ah ayaa waxaa bixisay Dowlada Talyaaniga,waxaana fulisay Hay’adda UN-HABITAT,Dowlada Puntland ayaa iyana fududaysay in mashruucani hirgalo.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: