Calendar

Madaxii Maaliyada Maamulkii Dowlada Hiiraan oo Maanta Balad-Weyne lagu dilay.

tablicBartamaha(Balad-Weyne):-Kooxo bastoolado ku hubaysan ayaa duhurnimadii maanata dil toogasha ah ula bareertay Sargaal xagga maaliyada maamulkii Dowlada u qaabilsanaa.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Deeqow Faroole ayaa waxa uu xilli ahaa Madixii Maaliyada Gobolka Hiiraan xiligii Yuusuf Dabageed iyadoo waayahan aanu wax shaqa ah ku lahayn siyaasada dalka.

Kooxda dishay ninkaasi ayaa la sheegay in ay dhimasho ku hubsadeen ka dibna goobta ay isaga carareen iyagoo aan la qaban balse halkaasi ay ku soo xoomeen dadweyne la yaaban sababta dilka.

Ciidamada Xizbul Islaam ayaa goobta dilka soo gaaray iyadoo ay bilaabeen baaritaano ay ku samaynayaan goobta dilka uu ka dhacay iyo xaafadaha ku dhow si ay u baacsadaan ragga dilka geystay.

Inta badan Deegaanada Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa joogta ka noqday dilka dadka loo tiriyo in ay xilli la shaqeeyeen Dowlada Soomaaliya taasi oo celeys ku noqotay dadkii isaga baxay Dowladaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: