Madaxda Ururka Midowga Africa oo ka baaraandagaya qaabkii ay u fulinlahaayeen go’ankii ka soo baxay shirkii magaalada Sirta ee ku aadanaa arimaha dagaalada Soomaaliya.
Bartamaha(Muqdisho):-Madaxa ammaanka Midowaga Afrika Ramtama lamamra oo saxaafada kula hadlayay magaalada Sirta Ee Dalka Liibiya ayaa waxa uu daaha ka qaaday in ay qorsheyanayaan qaabkii Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan dalka soomaaliya looga dhigi lahaa kuwo Nabad dhaliyayaal ah.
Warbixinta ayay soo saareen Madaxda Midowga Afrika kadib kullankii Serta markii uu soo gaba gaboobmay, waxa uuna Madaxa Nabad geliyada iyo Arrimaha Amaanka Midowga Afrika Ramatama Lamamra sheegay sida ay suurtagal nimada ku dhoqon karto arrintaasi in loo baahan yahay in si weyn looga baaraandago.
ciidamada AMISOM oo haaatna gacanta ku hayaan baro ay ka mid yihiin Garoonka Diyaarada, Dakada weyn ee Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada iyo goobo kale ayaa laga yaabaa in waqtiga soo socda laga dhigo kuwo nabad dhaliyayaal ah, waa haddii ay arrintaasi isku raacan Madaxda Midowga Afrika oo bayaan ka soo saareen arrintaasi.
haddii ay dhacdo in Madaxda Midowga Afrika ay meel mariyaan qaraarkan ayaa waxaa la filyaa in Ciidamada AMISOM oo hadda ah kuwo Nabad ilaaliyayaal ah in ay ku soo faafaan Xaafadaha Magaalada Muqdisho si ay dagaalo ula galaan xoogaga wax iska caabinta oo haatan u muuqdaan kuwo dagaalada ka gaareen guulo la taaban karo.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
.
Comments
comments