Calendar

Madaxda Midowga Yurub oo Malta uga digtay in ay dib u celiso qaxootiga Soomaaliyeed

Maxkamada xuquuqul insaanka ee midowga yurub ayaa fara gelin deg deg ah ku sameysay arinta Malta ay ku joojisay in Qaxootiga Soomaaliyeed iyo kuwa kaleba ay galaan dalkeeda iyadoo kuwa haatan dalkaasi ku sugan dib loogu soo celinayo dalka Libya.

Inka badan 400 oo Muhaajiriin ah ayaa tagay dalka Malta todobaadyadii u danbeeyay,kuwaasi oo ay dooni ka qaaday dalka Libya.

Dowlada Malta ayaa sheegtay in Muhaajiriintaan intooda badan ay ka kala yimaadeen dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo wadamo kale oo badan,waxayna qorsheyneysa inay dib ugu celiso halkii ay ka yimaadeen inkastoo dowlada Malta ay si buuxda u fulisay amarka ka soo baxay Maxkamada sare.

Agaasimihii hore ee Malta ugu adeegayay Qaxootiga ninka la yiraahdo Joseph Cassar ayaa Vatican Radio u sheegay in Malta ay dooneyso inay caawiso Qaxootiga soo gaara xeebaheeda.

Wadanka Malta wuxuu ka mid yahay wadamada Xubnaha ka ah Midowga Yurub,waana wadan si weyn ay u gaaraan Qaxootiga ka tagaya qaarada Africa Soomaalidaba ha u badnaadaanee.

Mr Cassar ayaa ugu danbeyntii wuxuu hoosta ka xariiqay in Maxkamada Midowga Yurub ay ku saxsan tahay in Malta ay kaga digto in Qaxootiga dib loo soo celiyo.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: