Madaxda Jabuuti, Soomaaliya iyo UN-ka oo ka wada qeyb galay munaasabad tababar loo furayay Ciidanka Dowlada (Sawiro)
Bartamaha(Djabuti):-Madaxweynahaasha Soomaaliya iyo Jabuuti iyo Wakiilka Qaramada Midoobe Ee Soomaaliya ayaa ka wada qeybgalay Munaasabad tababar loogu furayay Ciidanka Dowlada oo ka dhacday Magaalada DJabuuti Ee Dalkaasi jabuuti.
Munaasabada ayaa waxa tababar loogu bfuray 500-Askari oo Booliiska Dowlada Soomaaliya ka mid noqonaya kuwaasi oo qaadanaya tababar dhinac walba leh oo ay awood ugu yelan karaan wax ka badalida xaalada murugada leh Ee Soomaaliya.
Tababarka waxaa ka wada hadlay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed,Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Dileyti Maxamed Dileyti iyo u qeybsanahaya Soomaaliya ee Qaramada Midoobe Danjire Augustine Mahiga.
Dhammaan madaxdan waxa ay ku dheeraadeen Muhiimada tababarkan leeyahay iyada oo ay balabn ku qaadeen dhiira galinta Ciidanka tababarka mudada u socon doono islamarkaana ay u xilsaarayaan amaan ka dhalinta dalka Soomaaliya.
Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika
Comments
comments