Calendar

Madaxda Hiiraan State oo Xaflad Caleema saar ah loogu sameeyay Magaalada Nairobi (Daawo Sawirada).

SDC16998Bartamaha (Nairobi):- Xaflad Caleema Saar iyo dhaarin ah oo aad loo soo agaasimay ayaa Xalay ka dhacday Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

Munaasabada Xalay oo ahayd midii ugu balaarnayd ee dhawaanahan lagu qabto Hotelka Caalamiga ah ee Intercontinental  ayaa waxaa ka soo qeybgalay madax kala duwan oo ka kala socday Dowladaha Kenya iyo Somalia.

Madaxda Xaflada ka soo qeybgashay ayaa waxaa ka mid ah:-

Gudoomiye Xigeenka Baarlamanka Kenya Faarax Macalin iyo masuuliyiin ka socotay Dowlada Kenya.

Diplomasiyiinta iyo wakiilada qaar ka mida Safaaradaha Caalamka ee Nairobi iyo Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed iyo Wasiiro iyo Xildhibaano ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee arimaha dibada ee dowlada fedralka Ismaciil Moxamuud Hure “Buubaa” iyo Xildhibaanad Caasho Ahmed Abdalla,Xildhibaan Cali Ismaaciil Cabdi Giir iyo madax kale.

Xaflada Xalay ayaa waxaa hadal ka jeediyay madaxdaasi kala duwan oo dhammaan taageera u muujiyay Dowlada Goboleedka Hiiraan State Ee Dalka Soomaaliya.

Shirkani ayaa waxaa ku baxay dhaqaalo lagu qiyaasay 1.2 Million Shilling Kenya money ah oo u dhiganta ilaa 12.500 US dollar taas oo dhaqaalaha xoogooda ay ku baxday Amniga marti sharafta iyo habsami u socodka Xaflada.

Mudo ka dib waxaa hagad la geliyey qudbadahii iyo heesahii waxaana la guda galay dhaarintii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo la horkeenay kitaabka ALLE.

Dhaarinta ayaa waxaa dhaarinayay Shiikh Abdulqadir Shiikh Muumin Faarax.waxaana ka mid ahaa dhaart iney calanka iyo ciida Hiran difaaci doonaan, mudadii yareyd ee ay dhaartu socotay ayaa waxaa iskugu yimid meesha ay dhaarta ka dhaceysay in ka badan 35 suxufi oo muuqaalada duubanayay.

Shirweyne si weyn loo sugayey laguna caleema saarayey madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboledka Hiran ee Somaliya( Hiran State of Somalia) nayaa waxaa hadal ka jeediyay Gudoomiye Xigeenka Baarlamanka Kenya oo ku dheeraaday samaynta Dowlad Goboledyada.

Faarax Macalin waxa uu si gaar ah u amaanay reer Hiiraan isagoo daaha ka rogay in ay yihiin dadka Soomaalida kuwa jecel gaarida isklu filnaanshaha isagoo amaanay 12-Beel oo dagan Gobolkaasi oo uu xusay in uu Gobolka Hiiraan yahay Gobolka kaliya ee dad intaasi ka kooban ay ku wada Noolyihiin.

Farax Macalin ayaa ku dheeraaday in ay lama huraan tahay in la xoojiyo dowlad goboledyada maadama dowlad kasta oo dibada lagu soo dhiso ay dhaafi weyday caasimada oo kaliya.

Waxa uu masuulkaasi xusay in aanay Kenya eegan doonin dhibaatada ka sii taagan Gobolka isagoo soo hadal qaaday in Gobolka ay ku bexeen rag Muhiim ah sida Col.Cumar Xaashi oo uu ku tilmaamay nin saaxiib dhow la ahaa dhammaan Dowladaha Gobolka Geeska Afrika.

Dhammaan Beelaha dhistay Maamulka ayaa waxa ay ka jeediyeen Fagaaraha hadala qiira Xambaarsan waxa ayna wada muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin ka shaqeynta Hormarka Deegaanka Hiiraan oo hadda Dowlada Goboleed samaystay.

Dhanka kale Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore Ee Dowlada Soomaaliya ayaa tala siiyay Dowlada Hiiraan State waxa uuna ammaanay maamulada Dowlad Goboleedyada haatan la dhisayo.

Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed waxa uu shaaca ka qaaday in uu ku qanacsanyahay maamulka haatan ay dhisteen Beelaha dagan Gobolka Hiiraan State.

Xaflada waxaa nasasho daganaan iyo baraarujinba u ahaa Fanaaniin soomaaliyeed oo wacdara ka dhigay bHoolka Shirarka ee Hotelka Caalamiga ah ee INTERCONTINENTAL.

Fanaaniinta ayaa waxa ay soo bandhigeen Heeso la jecleestay sida Hees loogu magic daray BUUNDAWEYN taasi oo si weyn ka qeybgalayaasha ay ula qaadayen fanaaniinta.

Guntii iyo gabagabadii Munaasabada ayaa waxaa hadal jeediyay Madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab oo ah madaxweynaha Dowlad Goboleedka HIRAN STATE OF SOMALIA.

Madaxweynaha waxaa garbihiisa taagnaa ku xigeenkiisa COL.Isxaaq Cali Cabdulle iyo Hablo Soomalaiyeed oo si gaar ah ugu libisnaa dareeska Calanka Somalia iyo Calanka Dowlad Goboleedka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay dhammaan Shacabka reer Hiiraan iyo taageerayaasha Dowlad Goboleedka qaabka ay u muujiyeen taageerada Dowlada.

Madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab waxa uu xusay in shacabka Hiiraan ay yihiin kuwa u baahan Nabada islamarkaana ay Dowlaadiisa balan qaadayso soo celinta Nabadii Luntay ee Gobolka.

Masuulkan waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday qorshaha Dowladiisa ee ku aadan Howlgalada ay doonayso in ay ku dhaqaaqo xiliga ugu horayso ee dalka ay gaarto waxa uuna xusay in  ay Dowladiisa Xooga saarayso Dib u Heshiisiin iyo Xureynta Gobolka Hiiran.

Munaasabada ayaa waxa ay ku soo afmeerantay jawi daganaan ah iyadoo amniga goobta Xaflada ahaa mid aad u wanaagsan oo ay gacan ka geysteen Booliiska Dalka Kenya.

Daawo Sawirada:-

Madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab Hiran State

Madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab Hiran State

Madaxweynaha oo baaq jeedinaya

Madaxweynaha oo baaq jeedinaya

Madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab

Madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab


Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya.

Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya.

Dhaarinta Masuuliyiinta Dowlada Hiran

Dhaarinta Masuuliyiinta Dowlada Hiran

Dhaarinta

Dhaarinta

Dhaarinta Madaxweynah iyo ku xigeenkiisa

Dhaarinta Madaxweynah iyo ku xigeenkiisa

Mr.Ilmi yare

Mr.Ilmi yare

Cilmi Yare Masuul ka mida Abaabulka Shirka

Cilmi Yare Masuul ka mida Abaabulka Shirka

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla

Farax Macalin G/Xogeenka Barlamanka Kenya

Farax Macalin G/Xogeenka Barlamanka Kenya

Wariye Abdirizak Kampala iyo Cilmi Yare mid ka mida Xubnaha Maamulka

Wariye Abdirizak Kampala iyo Cilmi Yare mid ka mida Xubnaha Maamulka

Astanta Hairan

Astanta Hairan

Farax Macalim Gudoomiye Xigeenka Barlamanka Kenya

Farax Macalim Gudoomiye Xigeenka Barlamanka Kenya

Madaxweyne Gaab iyo Ex-Madaxweynihii hore Cali Mahi Maxamed

Madaxweyne Gaab iyo Ex-Madaxweynihii hore Cali Mahi Maxamed

Madaxda iyo Masuuliyiinta Xaflada ka hadashay

Madaxda iyo Masuuliyiinta Xaflada ka hadashay

Farax Macalin iyo Xildhibaan reer Hiiraan ah

Farax Macalin iyo Xildhibaan reer Hiiraan ah

Madaxweyne Gaab iyo Faarax Macalin G/Xigeenka Barlamanka Kenya

Madaxweyne Gaab,Col.Isaaq ku xigeenka Madaxweynaha iyo Faarax Macalin G/Xigeenka Barlamanka Kenya

Mudane Faarax Macalin oo la soo dhawaynayo

Mudane Faarax Macalin oo la soo dhawaynayo


DSC06648

Prof.Ibraahim Sheekh Xasan

Wariye Abdririzak Kampala www.Bartamaha.Com

Wariye Abdririzak Kampala www.Bartamaha.Com

Hoolka Shirarka Intercontinental

Hoolka Shirarka Intercontinental

Madaxda Hiran

Madaxda Hiran

Ka qeybgalayaasha Xaflada

Ka qeybgalayaasha Xaflada

Madaxda Hiran State

Madaxda Hiran State

Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa

Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa

Madaxweyne Gaab iyo ku xigeenkiisa Col.Isxaaq

Madaxweyne Gaab iyo ku xigeenkiisa Col.Isxaaq

Soo galitaankii Madaxweynaha

Soo galitaankii Madaxweynaha


Taageerayaasha Xalay Munaasabada joogay

Taageerayaasha Xalay Munaasabada joogay

SDC16931 copy

Shirka gudihiisa

Shirka gudihiisa

Mid ka mida ka qeybgalayaasha

Mid ka mida ka qeybgalayaasha

Soo dhaweynta

Soo dhaweynta

Diyaar garowga soo galida Madaxweynaha

Diyaar garowga soo galida Madaxweynaha

Dhalintii soo dhaweynta

Dhalintii soo dhaweynta

Hooyo Soomaaliyeed

Hooyo Hiiran State

Mid ka mida Gabdhaha Hiran State

Mid ka mida Gabdhaha Hiran State

Mudane Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya

Mudane Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya

Ka qeybgalayaasha

Ka qeybgalayaasha

Mudane Sare EX-Xildhibaan Dhaqane ...

Mudane Sare EX-Xildhibaan Dhaqane ...

Buuwaa iyo Xildhibaanad Caasha Cabdalla

Buuwaa iyo Xildhibaanad Caasha Cabdalla

Miiska Madaxda

Miiska Madaxda

Ka qeybgalayaal

Ka qeybgalayaal

Wasiiro iyo Xildhibnaano

Wasiiro iyo Xildhibnaano


CIMG2709

Hiran State

Hiran State

Haweenka Hiiraan

Abdirizak Yusuf Kampala

.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: