Calendar

Madaxa Ururka Caawinta Caruurta Soomaaliyeed ee dhibaateysan oo sheegay in la daweyn karo wiil 8 sano jir ah oo uu dhaawac culus Muqdisho ku soo gaaray

dhaawaca Madaxa Ururka Caawinta Caruurta Soomaaliyeed Cabdi Muuse Maaxaay ayaa shaaca ka qaaday in la daweyn karo wiil 8 sano jir ah oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud kaasi oo dhawaan uu dhaawac culus ku soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaasi oo xabad ka burburisay afka, sanka iyo il.

Cabdi Muuse Maaxaay waxaa uu sheegay in wiilkaas oo daaweyn dheer  u baahan la daweyn karo haddii buu yiri ay dadka Soomaaliyeed dhaqaale u uruuriyaan si loo keeno wadamada horumaray.

Cabdi Muuse Maaxaay oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da waxaa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta, gaar ahaan ganacsatada in ay u gurmadaan wiilkaas, isla markaana ay fududeeyaan in wiilkaas la geeyo dal horumaray oo lagu daweeyo.
“Qof kasta oo Soomaali ah oo damqanaya dhibka soo gaaray wiilkan wuxuu bixin karaa wixii uu awoodo, 5$, 10$, 20$, 30$, 50$ iyo wixii kale ee uu awoodo. Ha isdhihin lacag yar oo aad bixiso waxba ma tareyso”ayuu yiri Cabdi Muuse Maaxaay.

Cabdi Muuse Maaxaay waxaa uu intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed haddii ay arrintan si deg deg ah ugu guntadaan ay saamixi karaan in wiilkan daweyn dibadda ah oo deg deg ah loo helo, wuxuuna caddeeyay in waalida wiilkan oo uu la xiriiray uu u sheegy in ay baasaboor u sameeyaan wiilka iyo qofkii raacaya.

Hadii aad rabtid inaad caawinaad ka gaysatid arinkaan fadlan la xariir

Aabiyo Isse @ 612-298-1044 oo joogta Magaalada Minneapolis MN

Hadii aad joogtid Ohio Fadlan la xariir Luul Abdirahman @614-515-1389

Hadii joogtid Haddii joogtid Magaalda Nashville Fadlan la xariir Qali Salaad @ 615-554-4398

Maryan Hilowle oo joogto Toronto 416-742-3852 Canada

Maryan Mahdi Ottawa 613-261-0708

Hassan Ali Edmonton 780-965-5093

Abdiaziz Shire oo joogo California 619-254-3294

Ama la xariir [email protected]

Comments

comments

Category : HELP - CAAWI, Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: