Madaafiic Xalay lagu garaacay Xaafado ka mida Degmada Hodon.
Bartamaha(Muqdisho):-Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib duqeyn ba’an oo ka dhacday Xaafado ka mida Magaalada.
In ka badan 10-Madfac oo u badan hubka loo yaqaano PM-ka ayaa Xalay lagu garaacay Xaafado ka mida Degmada Hodon Magaalada Muqdisho halkaasi oo qasaara uu ka soo gaaray dad shacab ah.
Madaafiicda Xalay ayaa waxa ay sabab ka dhigeen qasaara shacabka soo gaartay waxaana Inta la ogyahay Madaafiicda ku dhintay 1-qof iyo dhaawaca 6-ruux oo ah dad shacab ah.
Gudoomiyaha Degmada Hodon ayaa sheegay in la baarayo sababta dhalisay madaafiicda lagu garaacay Xaafadaha Degmada Hodon waxaana xusid mudan in Xalay la duqeeyay gobo ay ku suganyihiin Ciidanka Dowlada.
Lama garan karo waxa sababay in la garaaco Xaafadaha Degmada Hodon gaar ahaan Xaafada Sono Key oo ah goob ay shacab badan daganyihiin iyo Ciidanka Dowlada oo aan ka dheereen halkaasi.
Inta badan waxaa joogta iska noqotay Madaafiicda lagu garaaco goobaha shacabka ay daganyihiin oo dhawaanahan qasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka rayidka ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments