read more »">
Calendar

Madaafiic Xalay laga seexan waayay iyo Barakac saaka socanaya.

928Bartamaha (Muqdisho):- Madaafiic xoog badan ayaa xalay laga jiifsan waayay magaalada Muqdisho ka gadaal markii Mucaaradka iyo Amisom ay xalay is dhaafsadeen duqeyn ba’an.

Dadka ku dhaqan agagaarka Bakaaraha iyo Deegaanada Woqooyiga Muqdisho ayaa xalay ka sasay hurdada ka dibna ay u suurta gali wayasay in ay huradda ladaan ka dib markii Islaamiyiinta ay madaafiic ku salaameen saldhigyada Amisom taasi oo jawaabta ka soo baxday ay noqotay mid aan laga seexan.

Dhawaqa Qoriga Muqdisho looga yaqaano  Fooriyaha (PM-ka) ayaa xalay laga maqlayay guud ahaan Magaalada Muqdisho kaasi oo ku dhacayay dhul badan oo ay qeybo ka joogaan Islaamiyiinta Mucaaradka.

Xaafadaha la garaacay ayaa waxaa ka mida Suuqa Bakaaraha illaa Deegaanada KPP,Al-baraka iyo deegaano badan oo ka mida Degmada Hodon iyo Howl-wadaag oo madaafiicda ay soo gaarayeen.

Dhulkaasi la duqeeyay ayaa waxaa la sheegayaa in uu qasaara ka soo gaaray dad kooban oo shacab ah iyo islaamiyiinta aagaga dagaalka ku sugnayd oo madaafiicda lagu asqeeyay.

Dhanka kale Madaafiic Hoobiyayaal iyo PM- ah ayaa waxaa lagu garaacay xaafadaha Degmooyinka Shibis,Yaaqshiid,Kaaraan iyo Boondheere oo dhammaan ka mida Woqooyiga Muqdisho.

Xaafadaha la garaacay ayaa waxaa la sheegay in madaafiic looga riday Villa Somalia iyadoo jawaab culus oo ka soo dhacaysay madaxtooyada ay noqotay mid aan kala go’ lahayn oo lagu garaacay xaafado badan.

Hubka PM-ka ayaa waxa uu sida roobka oo kale ugu da’ayay xaafadaha Kaaraan iyo Yaaqshiid iyadoo dhowr madfac lagu dhiftay Deegaanada aaga hore ku yaala sida Shibis iyo Boondheere.

Qasaaraha ugu badan waxa uu ka dhashay madaafiicdii xalay lagu garaacay Yaaqshiid iyo Kaaraan oo dad badan oo shacab ah ay ku harsan yihiin balse xalay hurada ay ka ladi waayeen PM-ka iyo Hoobiyaha lagu garaacayay.

Inta la ogyahay waxaa Isbitaalka Kaydsanay la geeyay in ka badan 13-ruux oo shacab ah oo dhammaan madaafiicii xalay qasaarahaasi uu ka soo gaaray iyadoo ay jiraan dad dhintay wallow aan cadadkooda la helin.

Xalada guud ayaa saaka ahayd mid iska xasiloon waxaan dadka ku harsanaa xaafadaha Woqooyi Ee Muqdisho ay bilaabeen in ay isaga cararaan dhulkii xalay ay ka badbnaadeen duqeyntii cuslayd ee loo gaystay.

Xaafadaha sida aadka ah looga Barakacayo ayaa waxaa ka mida Arjantiin,Sanca,Suuqa Kaaraan ,Suuq Bacaad,Towfiiq illaa Fagax oo dhammaan ah dhulka shacabka ay ku harsanaayeen ee ka mida Woqooyiga Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: