Calendar

Madaafiic saaka lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada iyo Jawaab ku dhacday qeybo magaalada ka mida .

magaaladaa
Bartamaha (Muqdisho)
Madaafiic nuuca Moltarada ayaa saaka lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo jawaab ka soo baxday dad ku waxyeelaysay qeybo ka mida Muqdisho.

Xoogaga Islaamiyiinta ayaa saaka madaafiic ku salaamay Xarunta Madaxtooyada aroornimadii hore iyadoo jawaab kulul ay ku soo dhacday xaafado ka mida Degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid Ee Muqdisho.

Madaafiicda ayaa waxa ay bilowdeen ka dib markii Islaamiyiinta ay weerar madaafiic in mudda ah socday ay ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia halkaasi oo ay daganyihiin Amisom iyo madaxda iyo ciidada dowlada.

Jawaabka ka soo baxday xarunta madaxtooyada ayaa waxa ay ku dhacxday xaafada siinaay Degmada Yaaqshiid halkaasi oo 2-ruux ay ku dhaawacmeen iyadoo degmada Wardhiigley ay sidoo kale madaafiic qasaara sababay ay ku dheceen.

Illaa haatan lama ogaan karo qasaaraha rasmiga ah Ee gaaray Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ee wada dagan xarunta madaxtooyada iyo xoogaga Islaamiga ah oo dhankooda madaafiicda bilaabay

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: