Calendar

Madaafiic Saaka lagu garaacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodon Muqdisho.

duqeyynBartamaha(Muqdisho):-Madaafiic xoogan ayaa saaka lagu garaacay Xaafado ka mida Degmada Hodo nee Magaalada Muqdisho halkaasi oo qasaara shacabka uu ka soo gaaray.

Duqeynta ayaa waxa ay bilaabatay saaka abaara 8:00-Subaxnimo xiligaasi oo dad aad u  badan ay marayen wadada Dabka Muqdisho waxaana dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad marayay xaafadaha la garaacay.

Duqeyynta ayaa waxa ay ku dhacaysay xaafadaha Degmada Hodon gaar ahaan Barmuudo iyo KPP halkaasi oo ay aag uga jiraan Xoogaga Islaamiga ah oo ka soo horjeeda askarta Ahlu sunnah iyo kuwa Amisom.

Inta la ogyahay 1-qof ayaa dhintay 2-kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii madaafiicda ay ku dhaceen agagaarka Isgoyska Bakaaraha xilli ay gawaari badan wadada isku xernaayeen.

Qasaaraha ayaa intaasi ka badan kara maadaama madaafiic aad u xoogan sidoo kale ay ku dhaceen KPP iyo Al Bakaraha oo ay ku badanyihiin Xoogaga Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo aag dagaal ay halkaais u tahay.

SAhalay gabal dhicii ayay ahayd markii madaafiic nuucani ah lagu garaacayay suuqa Bakaaraha iyo deegaano kale oo ka mida Degmada Hodon Muqdisho waxaana jiray qasaara shacabka ka soo gaaray.

Duqeynta ayaa waxa ay noqotay mid ka mida nolosha ay ku noolyihiin dadka caasimada waxaana sida raashinka oo kale looga dhigaa Madaafiicda kala duwan oo maalin waliba shacabka ay ku dhamaadaan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: