Calendar

Madaafiic saaka la isku dhaafsaday Magaalada Muqdisho iyo qasaara shacabka soo gaartay.

alshabaab-7
Bartamaha (Muqdisho) Madaafiic u badan nuuca Moltarada ayaa waxaa barqanimadii maanta la isku dhaafsaday Magaalada Muqdisho taasi oo qasaara ay ka soo gaartay dad rayid ah.

Madaafiicda ayaa waxa ay bilowdeen ka dib weerar Hoobiyayaal ah oo Xoogaga Islaamiyinta ay ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada taasi oo aan la ogayn qasaara ka gaaray dhanca Ciidamada Dowlada iyo Amisom.

Ka dib duqeynta Madaxtooyada ayaa waxaa halkaasi ka soo baxay jawaab ku dhacday Xaafado ka mida Degmada Wardhiigley Ee Muqdisho taasi oo inta la ogyahay ay ku geeriyoodeen laba ruux iyadoo ay jiraan dhaawacyada kuy dhawaad 5-kale oo dhammaantood rayid ah.

Inta badan Madaafiicda jawaabta ah ayaa waxa ay ku dhacdaa gobo ku dhow halka ay islaamiyiinta Madaafiicda ka soo tuuraan taasi oo muujinaysa in dhibaatada labada dhinac ay shacbka ula bareeraan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: