Calendar

Madaafiic qasaara sababtay oo galabta lagu garaacay Xaafado ka mida Woqooyiga Muqdisho.

duqeyn ba'anBartamaha(Muqdisho):-Galabta ayaa waxaa duqeyn ba’an loo geystay xaafado ka mida Woqooyiga Magaalada Muqdisho halkaasi qasaara badan uu ka soo gaaray dad shacab ah.

Duqeynta ayaa waxa ay ahayd mid xoogan taasi oo ku dhacday Xaafado ka mida Degmooyinka Yaaqshiid,Boondheere iyo Wardhiigley halkaasi oo dhawaqa madaafiicda laga maqlayay.

Goobaha sida ba’an loo duqeeyay ayaa waxaa ka mida Xaafada Siinay iyo Qeybo ka mida Degmada Wardhiigley oo ah goobno ay joogaan Islaamiyiinta Mucaaradka iyadoo si gaar ah loo garaacay aagaga dagaalka.

Laba qof ayaa dhimatay 2-kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii madfac habow ah uu ku dhacay xaafada Suq Bacaad oo ka yara baxsan halka galabta la bartilmaameedsanayay oo ah aagaga dagaalka.

Xarunta Stradioum Muqdisho ayaa waxaa si gaar ah loogu garaacay Madaafiicda PM-ka kaasi oo ku hoobanayay xaruntaasi oo aan la ogayn qasaraha uu u gesyaty Islaamiyiinta oo halkaasi dagan.

Duqenta ayaa waxa ay dhawaanahan ka noqotay xaafadaha Woqooyiga Muqdisho mid joogta ah taasi oo qasaara u geysatay dadka shacabka ah wallow mararka qaar uu qasaaraha yahay mid ku kooban kooxaha Madaafiicda isku dhaafsada shacabka dushiisa.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: