Madaafiic Qasaara dhalisay oo xalay lagu garaacay dakada Madaalada Muqdisho.
Â
Bartamaha(Muqdisho):-Â Weerarkan oo ahaa mid madaafciida Hoobiyayaasha ku kooban ayaa xalay waxaa lagu qaaday dakada Weyne Ee Muqdisho halkaasi oo ay daganyihiin ciidamada Amisom .
Weerarkan oo sida dadka ku dhowdhow dakada Muqdisho ay www.Bartamaha.Com u xaqiijiyeen ayaa waxa uu ahaa mid laba waqto oo kala fog dhacay iyadoo fiidkii hore ee xalay ilaa 6Madfac ay ku soo dhaceen dakada iyo xaafada ku dhowdhow kadib jawaab aan la ogaan goobta ay ku dhacday ayaa mar kale waabarigii saaka madaafiic hor leh lagu soo tuuray dhismaha Dakada.
Â
Madaafiicda qaara ayaa sababay in ay ku geeriyoodaan ilaa 4Ruux oo dakada ku sugnaa oo laba ka mid ah ay ahaayeen Askar aan laka xaqiijin in ay kuwa dowladaa ahaayeen iyo kuwa Amisom oo halkaasi dagan.
Â
Xaalada dakada Muqdisho ayaa saaka ahayd mid xasiloon iyadoo ay baaritaano xoogan ka socotay gudaha dakada waxaana gabi ahaanba la mamnuucay isticmaalka Mobilada iyo telfonada dhamaan.
Â
Holwaha shaqada dakada Muqdisho ayaa xalay hakad galay iyadoo ay saaka dib u bilaabeen shaqaalaha dakada in ay bilaabaan dajinta maraakiibta ku xeran dakada Muqdisho oo haatan gaaraya ilaa 5Markab oo qaarkod ay raashin wadaan.
Â
Â
Xarunta Wararka Xaqiiqda ah www.Bartamaha.com,
Muqdisho-Somalia
Â
Â
Comments
comments