Madaafiic qasaara dhalisay oo Maanta lagu garaacay Suuqa Bakaaraha
Bartamaha(Muqdisho):-Madaafiic Hoobiyayaal ah ayaa maanta lagu garaacay Suuqa Bakaaraha taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah gaartay.
Duqeynta ayaa bilaabatay duhurnimadii maanta xilli xaalada guud ee magaalada ay ahayd mid xasiloon oo aanay jirin wax dagaal ah oo ka dhacayay guud ahaan magaalada.
Madaafiicda ayaa ka soo dhacayay Xarumaha Amisom Muqdisho kuwaasi oo si gaar ah u garaacayay Suuqa Bakaaraha iyo wadooyinka laga soo galo taasi oo dadka ay u qaateen in Suuqaasi lagu doonayo in shacabka lagu laayo.
Shalay ayay ahayd markii Bakaaraha ay ku dhimanayeen in ka badan 15-ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen 40 kale oo dhammaan ah dad rayid ah waxaana jiray qasaara maanta shacabka gaaray.
Waxaa la ogaday in Madfac ku dhacay Isgoyska Bakaaraha uu dilay 2-ruux 5-kalana dhaawac uu u geystay iyadoo ay jiraan dad kale oo waxyeela ay ka soo gaartay Madaafiicdii ku dhacday maanta suuqa Bakaaraha.
Dadka maanta dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Madiina waxaa jiray dhaawacyo shalay la geeyay Isbitaalkaasi Madiina oo qaar ka mida Xalay ay ku dhinteen Isbitaalkaasi.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments