Calendar

Madaafiic maanta lagu garaacay Xaafado ka mida Magaalada Muqdisho.

madaafiic

 Bartamaha(Muqdisho):-Tiro Madaafiic calculus ah ayaa duhurnimadii maanta lagu garaacay xaafado ka mida Magaalada Muqdisho iyadoo saacadihii ugu danbeeyay ay sii badanayaan duqeymaha.

In ka badan 10-madfac ayaa lagu dhiftay xaafdada Kaxda oo ka mida Degmada Dharkenley iyadoo qasaara xoogan halkaasi ay k soo gaartay dad shacab ah oo deegaankaasi ku sugnaa.

Dhinaka kale Madaafiic ayaa lagu garaacay Xarunta ay daganyihiin Islaamiyiinta ee dhismaha garoonka Ciyaaraha Muqdisho Stadium halkaasi oo lagu garaacay madaafiicda ka dhacda Taangiga iyo PM-ka.

Lama oga qasaaraha halkaasi ka dhashay wallow dhanka Degmada Dharkenley ay ku dhinteen 2-ruux 5-kalana ay ku dhaawacmeen duqeyntii loo geystay halkaasi taasi oo timid markii madaafiic lagu garaacay xarunta AMisom Jaamacada Umada.

Saacadihii ugu danbeeyay Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay duqeynta xoogan iyadoo madaafiic cul culus lala dhacay gobo badan oo ka mida magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: