Calendar

Madaafiic maanta lagu garaacay Xaafado ka mida Degmada Wardhiigley iyo qoysas ku la’day duqeyntaasi.

qasBartamaha(Muqdisho):-Madaafiic u badan Hoobiyayaal ayaa maanta lagu garaacay xaafado ka mida Degmada Wardhiigley Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo qasaara uu ka dhashay.

Duqeynta ayaa waxaa manta si ba’an loogu garaacay xaafado ka mida Degmada Wardhiigley Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo qasaara xoogan uu dad badan ka soo gaaray.

Laba qoys ayaa ku la’day Xaafada Xararyaale markii Madfac uu kula dhacay guri ay gabaad ka dhigteen oo ka agdhawaa halka ay daganaayeen oo uu madfac kula soo dhacay.

Illaa 6-ruux ayaa dhimatay 8-kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii labada Qoys Caruurta iyo dhammaan reerka ay ku carareen dhismo aan sidaa shub u ahayn oo ay ka galeen madfaca wallow uu halkaasi ku haleelay.

Magaalada ayaa daganayn xiliga duqeynta ay ka soo dhacaysay dhanka Madaxtooyada oo ahayd halka uu ka soo dhacay madaafiicda lagu garaacay xaafadaha Degmadaasi Wardhiigley.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: