Madaafiic Qasaaro keestay oo Muqdisho la isku weedaarsaday
Bartamaha(Muqdisho):-Madaafiic aan Bulshada dhibaatada gaaraysa cidna wax iska weydiin ayaa manta la isku dhaafsaday Magaalada Muqdisho taasi oo dad shacab ah waxyeela ka soo gaartay.
Madaafiicda oo la isweydaarsaday duhurnimadii manta ayaa wax a ay ku dheceen Xaafadaha Degmada Howl-Wadaag iyo Madaxtooyada iyo hareeraheeda.
Madaafiicda oo ay bilaabeen Kooxaha Mucaaradka ayaa waxa ay ku garaaceen Madaxtooyada Villa Soomaaliya xiligaasi oo ay ka dhacaysay Munaasabad Ciidanka Militariga.
Madaafiicda ayaa waxa ay Madaxtooyada ku dhaceen xilli munaasabada dhammaatay iyadoo dad shacab ah ay waxyeela ka soo gaartay marki ay ku dheceen agagaarka Tiyaatarkii Qaranka.
Dhanka kale Jawaabta Dowlada ka baxday ayaa waxa ay noqo tay mid lala beegsanayay Kooxda duqeynta bilowday oo madaafiic ka soo tuurtay xaafado dhowr ah oo Magaalada ka mida.
Inta la ogyahay 4-qof ayaa dhimatay 8-kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii Madaafiic dhowr ah ay ku dhaceen suuqa Bakaaraha meelo ku dhowdhow oo la qiyaasayo in madaafiicda laga soo tuuray.
Dadka dhintay ayaa waxa ay u badnaayeen Caruur ku sugnayd Saldhiga Howl-Wadaag oo ay daganyihiin Mucaaradka halkaasi oo madaafiicda ugu badan lagu garaacay.
Inta badan Dowlada saldhigyadeeda waxaa ka soo dhaca Hubka Culculus oo qasaara badan geysta marka la garaaco saldhigyada ay leeyihiin Amisom iyo Dowlada gudaha Muqdisho.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamnaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments