Madaafiic galabta lagu garaacay xaafado ka mida Degmada Wardhiigley Ee Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Madaafiicdan oo qasaara ay ka soo gaartay dad rayid ah ayaa galabta xilli danbe waxaa la isku dhaafsaday Magaalada Muqdisho taasi oo badanaa ku dhacday Degmada Wardhiigley.
Madaafiicda galabta ayaa waxa ay bilowdeen ka dib markii Xoogaga islaamiyiinta ay madaafiic ku garaaceen Xarunta Madaxtooyada halkaasi oo jawaab ka soo baxday ay waxyeela ka soo gaartay shacabka ku nool degmada wardhiigley.
Inta la ogyahay madaafiicda ayaa waxa ay dhaliyeen dhimashada 5-ruux iyo dhaawaca 10-kale kuwaasi oo badanaa ay madaafiicdu kula dhacday deegaanada Xamar Bile iyo Cali Kamiin.
Madaafiicda ayaa inteeda badan waxa ay ka soo dhacaysay xarunta Villa Somalia halkaasi oo Islaamiyiinta ay madaafiic ku gaareen ka dibna ay jawaab culus ka soo biyeen Ciidamada halkaasi ku sugan.
Madaafiicda magaalada Muqdisho joogtada ka noqday ayaa waxa ay yihiin kuwa ugu badan oo shacabka Magaalada ku noolaa ay isaga carareen taasi oo illaa xiligan labada dhinac ay isku weydaarsadaan goobaha aanay dagaalada ka socona ay duqeeyaan .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments