Madaafiic galabta la isku dhaafsaday Magaalada Muqdisho xilli ay sii kordhayaan dadka ku waxyeeloobaya dagaalada saaka ka bilowday Caasimada.
Bartamaha(Muqdisho):-Dhawaqa Madaafiicda Hoobiya’yaasha iyo maqalka Qoriga Taangiga ayaa galabta laga maqlayay qeybaha kala duwan Ee Muqdisho kuwaasi oo la isku dhaafsanayo Xarunta Madaxtooyada iyo deegaanada ay kuxooganyihiin islaamiyiinta.
Madaafiicdan ayaa bilaabatay ka dib markii Xoogaga Islaamiyiinta ay Madaafiicda Hoobiyayaasha ay ku garaaceen fariisinka Ciidamada Amisom ee Xarunta Madaxtooyada halkaasi oo ay Ciidamada Madaaxfiic ka culus oo jawaab ah ay ka bixinayaan.
Duqeymaha ayaa waxa ay ku dhacayeen Xarunta Madaxtooyada halka kuwa jawaabta ku bilaawday ay iyana ku hoobanayeen deegaanada shacabka ay isaga cararayeen manta ee Degmooyinka Yaaqshiid iyo Howl-Wadaag
Lama oga qasaaraha ay sababayaan madaafiicda Galabta ku hoobanaysay qeyba ka mida deegaanada Gobolka Banaadir iyadoo ay jiraan qasaare saaka ka dhashay madaafiicdii iyo dagaalkii xooganaa ee dadka reer Muqdisho ay ku soo tooseen iyadoo Isbitaalada Muqdisho la dhigay in ka badan 50-ruux oo dhaawacya qaba.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia
Comments
comments