Madaafiic galabta la isku dhaafsaday Caasimada.
Bartamaha (Muqdisho):- Madaafiic Hoobiyayaal qasaara badan sababay ayaa maanta la isku dhaafsaday caasimada Muqdisho.
Madaafiic u badnayd Hoobiyayaal ayaa galabta la isku dhaafsaday xaafado ka mida Magaalada Muqdisho kuwaasi oo waxyeela dad shacab ah u geystay xilli magaalada guud ahaan ay daganayd oo aanu dagaal ka jirin.
Madaafiicda galabta ayaa waxa ay ahaayeen kuwa inta badan ku dhacayay xaafadaha Degmooyinka Howl-Wadaag,Hodon,Dayniile iyo Dharkenley oo xoogaga Mucaaradka iyo Amisom ay hoobiyayaal isku ridayeen.
Madaafiic dhowr ah oo ku dhacay xaafadaha loo barakacay ee Deegaanka Kaxda ayaa waxa ay sababeen dhimashada 2-Caruur ah iyo dhaawaca 8-kale oo dhammaan ah dad shacab ah oo Buushashka barakacaasha daganaa.
Dhanka kale Suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay in madaafiic badan lagu garaacay wallow xiligaasi ganacsiga inta badan uu xernaa iyadoo ay joogta noqotay in ganacsatada ay xiliga galabtii faarujiyaan suuqaasi.
Suuqa Bakaaraha ayaa dadka waxa ay isku baaqaan marka ay arkaan gaweaarida islaamiyiinta ee caanka ku ah in laga tuuro Hoobiyayaasha waxaana xiligaasi ka dib dadka ay sugaan Jawaab ka soo baxda dhanka Amisom.
Isku soo duub Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho ayaa waxaa joogta ka noqday Hoobiyayaasha dadka shacabka ah ay ku la’anayaan maalin walba kuwaasi oo ay isdhaafsanayaan AMisom,Dowlada oo dhinac ah iyo Islaamiyiinta Mucaaradka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments