Maansadii 25aad ka mida Diiwaankii Nabada ee Silsiladii Deelaydii Qarniga 21aad(MAANSO DOONI)
Maansadan oo magaceeda la yidhaahdo DOONI waxaan curiyay markaan taariiikhda meel walba ka baadhay umada soomaaliyeed dhibaatada haysata ee meel loo raaco aan lahayn inaysan maanta aduunka korkiisa joogin umad la mid ah ama lagu meteli karo ama wax la qabta oo tusaale ahaan loo soo qaadan karo dal hebel waxaa ka jirta dhibtaas, umadaha aduunka way soo mareen dhibaato , balse waxay ahayd waqti kooban iyo marxalad la soo maro balse inaga teenu waxay noqotay mid aan dhamaad lahayn ilaa hada.markaas  ayaan damcay inaan ku cabiro dareen suugaaneed maansadan waxay ka mid tahay  silsiladuu la magac baxday Diiwaankii Nabad iyo Deellaydii Qarniga ee ay ka qayb qaateen dhalinyaradii badnayd ee qurba joogta ahayd ee la furay Qaraxii dhiilada xumaa ee Shaamoow , maansadan waa Maansadii 25aad ee silsilada waxaanan kula hadlayaa dhamaan abwaanada soomaaliyeed ee daneeyaa arimaha nabada soomaaliya inay ka hadlaan
Oo aysan ka gaabsan maadaama loo tiriyo burburkii dowladii dhexe inay abwaanada iyo fanaaniinta ka mid ahaayeen hadana in ay dib u raadinta qaranka ka qayb qaataan af iyo adin
Waa tan maansadii Dooni:-
Dahniga waatan ka jray
Dubaaqayguna dhibsaday
Doorkeedii maansadoo
Dibnaha waa taan xidhoo
Dareenkaygana lingaxay
Murtida daaheeda rogay
Dabkeeda inaan shidiyo
Inaan doobigeeda culo
Ka doortay digriga ilaah
Inaan deellay tirshiyo
Inaan dirirkeeda furo
Inaan dawliyo mar kale
Inaan dib usoo celshoo
Abwaanada dood ku furo
Dantaa tidhi lama huraan
Dawaan ka dhex baadhayaa
Dadkaan wax u sheegayaa
Dariiq baan doonayaa
Daw loo maro daacadnimo
Sida danbar-same guyoo
Dunida maansheeyayoo
Dannood iyo harra -digeed
Deex iyo wabiyada dushood
Daan-bari iyo degel jubaad
Darkii guban iyo tog-dheer
Dusheeda hargaysa helay
Didib iyo meel banaan
Diriyo buuraha dushood
Daad uu mulucyeeyayoo
Dooguna cirka gaadhayoo
Dhirtuna ubax daadisoo
Mankuna dusha qariyayo
Damaladu hamash yihiin
Dunjiga soomaaliyeed
Ku diirsanayaan dadoow
Bal aan dulucdayda iyo
Ujeedada daaf ka rogo
Usoo dego miilankiyo
Dantaydu halkay tahoo
Dedaalkii nabada iyo
Diiwaankii noo qornaa
deelayda noo furnayd
Doodaan qabo aan ku daro
Dalkani waa dooniyoo
Dadkuna waa saaranyahay
Waxay dul sabaynayaan
Badwaynta dusheeda oo
Hir duulaayaa siddoo
Kabtan loo doortayoo
Digree u leh iyo aqoon
Dirkeeda yaqaan badoo
Dedaal badanina ma wado
Dilaankiyo mawjadaha
Ayaa dawakhaad ku riday
Dadkii saarnaa dushoo
Dihaal bay wada qabaan
Darxumo diif iyo xanuun
Ayay la la ildaran yihiin
Inay degto waa u halis
Dawgii socodkaa ka lumay
Dabaylahaa riixayoo
Jihaday doonaan marshoo
Intuu duufaan ku kacay
Ayaa dakhalkii furtoo
Shiraaqii duulayoo
Matoorkii wuu damoo
Dalliyo qiil loo dayiyo
Daliil loo doono maleh.
Dadba ducadii rabiyo
Baryada daa, imay hadana
Dadbaa quus taaganoo
Damacii ka dhamaadayoo
Dibnuhu juuqdii gabeen
Dadbaa dawakh taaganoo
Dareemayn dhiiladaas
Dadbaa waxa jira ogayn
Durbaan iyo walasaqoo
Daf wali tumanaaya oo
Damiirkooduba ogayn
Halistay daaqayaan
Dadbaa wali duubanoo
Diinaarkii lacagta iyo
Duunyo wali ganacsi wada
Darbaa doorsoon ku jira
Miyirku daboolmayoo
Digtooradu baadhayaan
Waa duniyo waayaheed
Dabcigii lagu yiqiin
Dirkeeda ninkii yaqaan
Walee kuma soo degdego
Abwaanoow dooda maqal
Dareen oo day-dayoo
Daliilkeed baafiyoo
Dawadu meeshay jirtiyo
Dabeebkii caafimaad
Dedaalkeed raadiyoo
Diinta wanaagsaniyo
Digriiga culuumta iyo
Taariikhdii duuga ahayd
Danteenu halkay jirtiyo
Daryeelka dadkeena iyo
Dariiqii dowladnimo
Dalayntii qaranka dumay
Ka  doonoo ka  daydayoo
Dubaaqiinana galshoo
Ha daalina gebi ahaan
Dagaal iyo dooda furan
Diidmiyo dirir aan dhamaan
Damaciyo duunya doon
Diintoo lagu soo gabado
Dadkoo kala qaybsanoo
Qoloba dacal loo eryaday
Dabeecad la yaab lehoo
Dunidu amakaag la tahay
Ayaa degay dagalkakane
Dardaaran miyuu galaa?
Digniin ma aqoonsadaan?
Dacwiyo gar ma yeelayaan?
Docdee laga soo maraa?
Ninkii doodaa ogoow
Ninkii dawadeed hayoo
Ninkii wax dareensanoow
Diiwaankii nabada iyo
Deelaybaa loo furee
Dareenkaa hadal abwaan
Doodana mari abwaan
Dariiqii nabada keen!!!
Waa Qalinkii iyo Hal-abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Comments
comments