Maamulkii Xizbul Islaam Balad-Weyne oo wacad ku maray in ay la dagaalamayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya Ee Gobolkaasi ku sugan.
Bartamaha(Hiiraan):-Gudoomiyaha Ururka Xizbul Islaam Ee Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in aan dagaal looga soo saarin Balad-Weyne xiligana ay dhankooda dagaalo la galayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya.
Sheekh Maxamed C/laahi Xuseen oo aha Gudoomiyaha Ururka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in ay been abuur tahay dagaal loga qabsaday Magaalada B/Weyne isagoo daaha ka qaaday in dhankooda ay isaga bexeen magaaladaasi xiligana ay weerarayaan.
Sheekh C/laahi Xuseen ayaa ku andacooday in ay Kooxdooda shacabka Deegaanka u turayeen islamar’ahaanataana aanay wax dagaal ah la galin Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya uu muujiyay in ay shalay qorshahoodu ahaa in ay soo galaan Magaalada Baladweyne.
Sargaalkan Xizbul Islaam hogaanka ka ah ayaa haatan sheegay in ay u diyaar garoobeen weeraro ay ku qaadaan fariisinada Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya ay ka daganyihiin Gobolkaasi.
Gudoomiyaha Kooxda Xizbul Islaam Gobolha Hiiraan ayaa sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo ay la galayaan Maamulka Dowlada Wakiilka ka ah Ee dhankooda weeararada ku soo qaaday isagoo sheegay in ay bilaabayaan weeraro ay ku xureynayaan Gobolkaasi sida uu sheegay.
Hadalkan ka soo baxay Sargaalkaasi Madaxda ka ahaa Kooxda Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo aadayaa Xilli shalay dhammaan Magaalada B/weyne ay gacanta u gashay Ciidamada dowlada Fd Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments