Calendar

Maamulka Xizbul Islaam Toorotoorow oo maanta soo bandhigay Ciidamo ka soo goostay Dowlada KMG ah.

ceeldherBartamaha(Toorotoorow):-Maamulka Kooxda Xizbul Islaam Deegaanka Toorotoorow ayaa maanta soo bandhigay Ciidamo ka soo goostay Dowlada KMG ah.

Ciidamada maanta la soo bandhigay ayaa gaarayay 40-Askari oo uu hogaaminayay nin sargaal ah kaasi oo la sheegay in uu ahaa Taliye ka mid ah Ciidamada lagu soo tabababar Dalka Jabuuti

Sargaal u hadlay Ciidanka goostay ayaa sheegay in ay Dowlada ka waayeen xaqii ay lahaayeen isagoo balan qaaday in ay ka mid noqonayaan dadka la dagaalamaya.

Masuul u hadlay Xizbul Islaam ayaa sheegay in ragga soo goostay ay ahaayeen Ciidan Dowlada ka mid ah kuwaasi oo dhammaan ku soo qanci waayay siyaasada Dowlada islamarkaana ay go’aansadeen in ay ku biiraan Mujaahidiinta.

Ninka u hadlay Xizbul Islaam Toorotoorow waxa uu shaaciyay in Ciidamadaasi ay daganaan ka siinayaan Deegaankii ay ka soo jeedeen maadaama ay isku dhiibeen Xizbul Islaam.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: