Calendar

Beledweyne:Maamulka Xizbul Islaam oo Wacad ku maray in ay weerarayaan Ethiopia.

xizbul IslaamBartamaha(B/Weyne):-Maamulka Xisbul Islaam ee gobolka Hiiraan ayaa wacad ku mnaray in ay weerar ku qaadayaan Ethiopia hadii aanay maalma gudahooda uga bixin gudaha Hiiraan.

Afhayeenka Maamulka Sheekh Maxamed Wehliye Odawaa oo saxaafada la hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay weerar ku yihiin dhammaan goob walba oo ay joogaan Ciidamada Ethiopia hadii aanay kala bixin Ciidamadeeda Gudaha Hiiraan.

Sargaalkan ayaa ku Hanjabay in ay dalkooda ugu tagayaan Ciidamada Ethiopia maadaama ay amar la’aan soo galeen Gobolka Hiiraan islamarkaana ay saldhig ka samaysteen Gobolkaasi.

Sargaalkan u hadlay Maamulka Xisbul Islaam wuxuu uu  sheegay inay ku beegsan doonaan ciidamadaasi xuduudda oo aysan u oglaan doonin inay mar kale u soo gudbaan dalka Somalia.

Hanjabaada Sargaalkan ka mid ah Xizbul Islaam ayaa imaanaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay Hiiraan soo galayeen Ciidamao Ethiopian ah oo saldhig ka samaystey Deegaanka Kala-Bayr.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: