Maamulka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan oo beeniyay Eedeyn ay jeediyeen Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolkaasi.
Bartamaha(Balad-Weyne):-Maamulka Ururka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa iska fogeeyay Eedeyn ka soo yeertay Xildhibaan ka mida Mudanayaasha ka soo jeeda Hiiraan.
Sheekh Shuuriye Faarax oo ah gudoomiyaha Cusub Xizbul Islaam Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin wax xad gudub ah oo Ciidamada Dowlada ay ka geysteen Gobolkaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dowlada ay caan ku tahay dilka iyo tacadiyada kale ee shacabka reer hiiraan dhawaanahan ay ka nasteen sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaan Gaagaale oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in Xaalada Gobolka Hiiraan ay tahay mid faraha ka baxday oo dhiiga  shacabka uu noqday mid la iska daadiyo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments