Maamulka Xizbul Islaam Deegaanka Luuq Ee Gobolka Gedo ayaa daboolka ka qaaday in deegaankaasi ay difaacayaan.
Bartamaha (Luuq):-Kooxda Xizbul Islaam Ee Deegaanla Luuq ayaa shaaca ka qaaday in ay difaaci doonto deegaankaasi iyadoo sheegtay in ay dhankooda weerar ku qaadayaan Deegaanka Doolow.
Sheekh Maxmed Ibraahim (Indha-Buur) Madaxa Arimaha gudaha Ururka Xizbul Islaam Deegaanka Luuq  ayaa sheegay in deegaankaasi ay ku suganyihiin Ciidamo ku filan difaaca islamarkaana ay dhankoda qorsheynayaan sidii ay u weerari lahaayeen Deegaanla Doolow.
Masuulkasi u hadlayay u hadlayay kooxda Xizbul islaam ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamadooda ay ku suganyihiin duleedka deegaanka Luuq islamarkaana ay u diraaygaroobwnn weeraro kaga yimaada Kooxaha weerarka ku soo qaaday gobolkaasi sida uu saxaafada u sheegay.
Wadaadkaasi ka mida hoggaanka sare Ee Kooxda Xizbul Islaam gobolka Gedo ayaa waxa uu tilmaamay in ay jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo xertay caalamadaha Suufida lagu yaqaano kuwaasi oo weerarka B/Xaawo ku qabsaday.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments