Calendar

Maamulka Xizbul Islaam Ceelasha Biyaha ayaa amar ku siiyay ganacsatada qaadka in ay ka guuraan Wadada Laamiga ah.

celBartamaha(Ceelasha-Biyaha):-Ciidamada Ururka Xizbul Islaam Ee ka taliya Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa la sheegay in maanta ay amar ku siiyeen ganacsatada Qaadka Ee Deegaankaasi in ay isaga guuraan wadada laamiga ah .

Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo gawaarida qaadka Keena ku amraya in ay galaan xaafada gudaheeda islamarkaana ay mamnuuceen in lagu Iibiyo qaadka hareerta wadada maadaama xagga shaqada ay noqotay mid abuurtay saxmad badan.

Maamulka Ururka Xizbul Islaam Ceelasha Biyaha ayaa horey digniin uga soo saaray ku ganacsiga wadada Ceelasha hareeraheeda iyadoo ay sheegeen in xagga ammaanka ay dhibaato xoogan u keentay daganaanshaha iyo ku ganacsiga Wadadaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayay maamulka Deegaanka Ceelasha Biyaha waxa ay wadeen qorshayaal ay wadada dhexmarta suuqa Ceelsha Biyaha ugu dhigi lahaayeen mid ka caagan dhaqdhaqaaqa ganacsiga caadiga ah iyo Boosteejada Baabuurta.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: