Maamulka Xizbul Islaam Buur-hakaba oo ka warbixiyay howlgalo ay ka sameeyeen Xadka Bay iyo Sh.hoose.
Bartamaha (Buur-hakaba) Maamulka Xizbul Islaam Buurhakaba ayaa shaaca ka qaaday in ay wax badan ka badaleen xaalada ammaanka wadada isku xerta Gobolada Bay iyo Sh/Hoose.
Gudoomiyaha Xizbul Islaam Buur-hakaba Sheekh Maxmed Haajir ayaa sheegay in Ciidamadooda ay soo xereen in ka badan 20-dhalinyaro burcad ah oo dhibaato xoogan ku haysay gaadiidka maraya inta u dhexeysa Wala-weyn iyo buur-hakaba.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in ay iskashi xagga ammaanka wadada ay yeesheen maamulka Degmada Walaweyn islamarkaana ay wada baacsanaeen Burcada shacabka dhibaataynta ku haysay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.