Maamulka Xizbul Islaam Afgooye oo qarka u saran in uu burburo.
Bartamaha(Afgooye):-Maamulka Kooxda Xizbul Islaam Degmada Afgooye ayaa qarka u saran in lagu kala tago ka dib khilaaf cirka isku shareeray oo soo kala dhexgalay Madaxda Maamulkaasi.
Warar xog-ogaal ah oo naga soo gaaraya Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi maamulkii ka dhisnaa lagu kala tagay markii khilaaf Maaliyad ka dhashay uu soo kala dhexgalay madaxda maamulkaasi.
Kulan Habeen hore ka dhacay Afgooye ayaa waxaa ku kala istaagay madaxdii kulanka lahayd ka dib markii ay isku mari waayeen Lacago si sharci dara ah xubno Maamulka ka mid ah ay u lunsadeen.
Kulanka ka dhacay Afgooye waxaa si weyn iskugu khilaafay madaxda maamulka iyagoo ku heshiin waayay lacag laga qaaday gaadiidka dadweynaha oo muddo Laba bil ah laga aruurinayay si wadada Afgooye loogu dhisay.
Shalay waxaa is casilay Sheekh Salmaan Maxamed Cusmaan oo madax ka ahaa mashruuc la doonayay in lagu dhiso wadada  u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye markii uu cadeeyay in lacagtii laga qaaday gaadiidka la lunsaday.
Masuuliyiinta magaaladaasi Afgooye ee Koxda Xizbul Islaam ayaa waxa ay xiligan ku kala tageen maamul ahantooda waxaana shaqada maamulka sii wada saraakiil koban oo lagu Eedeynayo in ay lunsadeen dhalaale culus.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments