Maamulka Xizbul Islaam Afgooye oo ka hadlay Weerar lagu qaaday Sargaal maamulkaasi ka mid ah.
Bartamaha(Afgooye):-Maamulka ururka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ayaa sheegay in ay warar xog ogaal ah ka heleen kooxdii ka danbaysay weerarka sargaalka.
Taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee degmada  Afgooye, Sheekh Maxamed Koonfurow ayaa wuxuu sheegay in lagu raad joogo cidii ka dambeysay  weerarkaasi, wuxuuna intaa ku daray in sharciga la hor keeni doono cid walba oo loogu shakiyo inay weerarkaasi ku lug leedahay.
Weerarkan habeen hore ka dhacay degmada Afgooye  waxa uu ahaa        bam gacmeed lala beegsaday sarkaal     ka tirsan maamulka Xisbul Islaam ee degmadaasi.                      Â
Sh.Maxamed Koonfurow waxa uu xusay in sargaalka la weeraray uu ka badbaaday isku dayga dilka islamarkaana ay ogaadeen koox ka mida raga qaraxa sameeyay.
Taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee degmada   Afgooye ayaa hadalkiisa waxaa uu ku sii daray in degmada lagu dhex dilo doono cid kasta oo hub lagu arko oo aan maamulka Xizbiga ka tirsanayn.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments