Calendar

Maamulka Ximin iyo Xeeb oo iska fogeeyay masuuliyada Dagaalada ka socanaya Bacaadweyn iyo Camaara.

cadaado1.bmpBartamaha(Cadaado):-Maamulka Deegaanka Ximin iyo Xeeb ayaa iska fogeeyay warar sheegaya in ay hurinayaan dagaalada ka sii socanaya Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Afhayeen u hadlay Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegay in aanay marnaba lug ku yeelan dagaalada ka socanaya Deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Afhayeenka ayaa sheegay in Maamulka Ximin iyo Xeeb ay xilli waliba u taaganyihiin qabujinta Xiisada ka taagan Deegaanada Gobolka Mudug islamarkaana ay ergo Nabadeed u direen.

Masuulkaasi u hadlay Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxa uu ku dooday in ay been abuur tahay hadal ay baahiyeen qaar ka mida Odayaashii Nabadaynta ka dhexwaday oo ku Eedeeyay maamulkaasi in ay sii hurinayaan Colaada labada beel.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxaa la sheegay in dhawaanahan uu sii hurinayay Colaada islamarkaana uu gacan iyo saanad ciidan siinayay mid ka mida beeladaha ku dagaalamaya Camaara iyo Bacaadweyn.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: