Calendar

Maamulka Ururka Xizbul Islaam Ee Degmada Afgooye oo maanta Xukun Tacsiir ah ku fuliyay dad galay denbiyo kala duwan.

tacsiirBartamaha(Muqdisho):-Maamulka Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose ayaa maanta howl fulin xukun tacsiir ah waxa ay galabta  ku fuliyeen ilaa 5-ruux oo lagu helay dembiya kala duwan.

Fagaara ku yaala Degmada Afgooye ayaa galabta waxaa ka dhacday howl lagu fulinayay xukun Tacsiirka ah iyadoo maxkada ku taala Degmadaasi oo ay leeyihiin Xizbul Islaam ay xukun ka dul-riday ilaa 5-ruux oo laba ka mid ah lagu helay fal Zina ah isla mar’ahaantaana ay qirteen.

Dadkaasi ayaa waxaa lagu dhiftay mid waliba oo ka mid ah xukunkii ay ku rideen maamulkaasi iyadoo Saddexda qof ee kale lagu helay fal ay ku isticmaalayeen Mukhaadaraadka nuucyadiisa.

Sheekh Maxmed C/raxmaan Maxmed oo ah gudoomiyaha Maamulka Xizbul Islaam Ee Degmada Afgooye ayaa sheegay in ay xukunkaasi u fuliyeen iyagoo dabaqaya Shareecada Islaamka si ay bulshada kale ugu waana qaadato.

Goobta xukunka uu ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne aad u fara badan kuwaasi oo u soo daawsho tagay fulinta xukunka Alle oo maanta ay fuliyeen Xizbul Islaam Afgooye.

Ma aha markii ugu horeysay ee Maamulka Xizbul Islaam Afgooye ay fuliyaan xukun tacsiir ah iyadoo inta badan ay ciidamada maamulkaasi baacsadaan kooxaha dhibaatooyinka ka wado Gobolkaasi isla mar’ahaantaana ay xukun ku ridaan xiliga ay qabtaan ka dib.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: