Calendar

Maamulka shirkada Urur Livestock Somalia oo xusay sanad guuradii 6-aad aa-aaska shirkadaasi iyagoo cambaareeyay ganacsatada Xoolaha Ee Al-Jaabiri iyo Aal-yaasir(Daawo Sawirada).

DSC09907Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka sare ee Urur Livestock Somalia ayaa maanta faah-faahin buuxda ka bixiyay waxqabadka Xarumaha shirakadaasi ka shaqeysa Xanaanaynta xoolaha

Munaasabada balaaran oo maanta ka dhacday Xarunta Urur Livestock Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii mudada 6-sano ahayd ee shirkadaasi.

Sanad guurada 6-aad ee ka soo wareegtay furitaanka Xarunta Xanaanada Xoolaha Ee Urur Livestock ayaa waxa ka hadlay Madaxda shirkadaasi qeybta soomaaliya ,Dhaqaatiir  la socodka daryeelka Xoolaha iyo wax garadka Deegaanka .

Dr.Axmed Sheekh Maxamed Afey oo ah Madaxa Caafimaadka Urur Livestock isagoo ku dheeraaday ka hadalka  muhiimada Xaruntaasi loo aas-aasay.

Dr.Axmed Afey ayaa sheegay in Urur Livestock loo aas-aasay wax ka qabadka daryeelka Xoolaha Soomaaliyeed iyo fahamsiinta Bulshada muhiimada Xoolaha.

Masuulkaasi ayaa waxa uu xusay in ay Xaruntaasi fureen xilli soomaaliya aad looga baahnaa islamarkaana ay tababar fiican siiyeen Dadka Xoolaha Soomaalida aadka u dhaqda sidii ay xirfad wanaagsan ugu lahaayeen Xanaanada Xoolaha.

Dr.Axmed ayaa xusay in ay Xarumo badan ka fureen Dalka sida Gobolada Puntaland ,Afgooye,Jowhar iyo Muqdisho oo xarunta ugu weyn ay ka fureen.

Xiliga uu arimhaasi ka hadlay Madaxa Caafimaadka Urur Livestock ayaa waxa uu soo hadal qaaday qaabka ay u daweeyaan Xoolaha isagoo xusay in maalin waliba Caafimaad ahaan la baaro Xoolaha ay shirkada gacanta ku hayso.

Masuulkaasi ayaa goobta saxaafada ku tusay farsamada ugu casrisan ee Maamulka Urur Livestock ay u baaraan Caafimaadka isagoo soo bandhigay sheybaar casri ah iyo qalab lagu cabiro dhaqdhaqaaqa xadiga caafimaadka Xoolaha.

Dr.Axmed Afey ayaa sheegay in shirkada ay sanadan qaadatay ardayda Jaamacada ka soo baxay ee si gaar ah ugu taqasusau Caafimaadka Xoolaha isagoo sheegay in ay qeyb ka qaadanayaan shaqo u abuurista dhalinyarada soo baxaysa ee aqoonyahaynada ah.

Dhinaca kale Masuulkaasi sare ee ka mida Urur Livestock ayaa dhaleeceeyay qaabka ay u dhaqmaan rag isku sheegay ganacsato kuwaasi oo ay ka mid yihiin Al-Jabiri iyo Aala-Yaasir oo u soo jeestay in ay sharci daro uga bayac mushtaraan Xoolaha Soomaalida.

“Al-Jaabiri iyo Aala-Yaasir ma aha ganacsato ee waa dhiig miirato u soo jeesatay in ay been u sheegaan Xoolalayda Soomaaliyeed iyagoo u sheegaya in ay Maxjar furayaan ma aha maxjar ee waxa ay doonayaan xalufinta xoolaha iyo ka faa’iideysiga Xoolaha dalka iyagoo aan dan ka lahayn sii jiritaanka Xoolaha Caafimaadka wanagsan ee Soomaaliyeed”ayuu yiri Dr.Afey madaxa Caafimaadka Shirkada Urur Livestock.

Ugu danbayntii Masuulkan u hadlay shirkada Urur Livestock ayaa sheegay in ay shirkadooda xiligan soo saarto Caano caafimaadkooda la ogaaday kuwaasi oo loo iibgeeyo suuqyada Muqdisho oo dad badan ay danaynayaan in ay helaan.

Munaasabada ayaa waxaa kale oo ka hadlay masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen dhaqaatiir iyo sheikh Abuukr Sheekh oo madax u ah waxgaradka Deeganka loogu magic daray Urur ee Dibida halkaasi oo uu sheegay in ammaan wanaagsan ay keeneen shirkadaasi taasi oo ay dheertahay dadka ku soo qaxay oo ay caawiyaan .

Munaasabada sanad guurada 6-aad ee Shirkada Xanaanada Xoolaha Soomaaliyeed Ee Urur Livestock ayaa ku soo gabagabowday jawwi aad u dagan.

Madaxdii goobtaasi joogtay iyo dhammaan dhaqaatiirta ayaa waxa ay socdal ku soo mareen dhammaan xarunta shirkada oo ah dhul hagaagsan oo aad u dheer.

li19

li7

li10

li17

li25

li31

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: