Maamulka Puntland oo qorsheynaya Doorashooyinka Madaxda Magaalooyinka Maamulkaasi.
Bartamaha(Garoowe):-Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa la filayaa in dhawaan uu doorashooyin u sameeyo Madax cusub oo ay yeeshaan Magaalooyinka Maamulkaasi.
Maamulka Puntland ayaa xiligan qorsheynaya sidii doorashooyin looga samayn lahaa deegaanada Maamulkaasi xilli waqtiga Maamulada Degmooyinka Gobolada Puntland uu idlaaday.
Wararka laga helayo Madaxtooyada Puntland ayaa muujinaya in halkaasi laga wado qorshe Maamul loogu dhisayo Magaalooyinka Puntland oo la sheegay in xiliyada doorashada la gaaray.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Maamulka sare Ee Dowlad goboleedka Puntland balse isriixriix Saiaasad xanbaarsan ayaa laga dareemaya magaalooyin ay Boosaaso ugu horeyso.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments