Maamulka Puntland oo beeniyay in Ciidamo Ethiopian ah ay soo dageen Gaal-Kacyo.
Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Maamulka Punland ayaa been abuur ku tilmaamay Ciidamo soo dagay Magaalada Gaal-Kacyo kuwaasi oo la sheegay in ay yihiin Saraakiil iyo ilaaladooda Itoobiyaan ah.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Punland Maxamed Cali Salaad ayaa been ay baahiyeen warbaahinta Gaal-Kacyo ku sheegay Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay galinkii danbe soo dagay xaafad ka mida Magaalada Gaal-Kacyo.
Axmed Cali Salaad ayaa sheegay in Ciidamada la sheegayo ay ka maqleen Idaacadaha oo kaliya balse Maamulkooda aanan lagu soo wargalin imaanshaha Ciidamo Itoobiyaan ah.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegay in Ciidamada Sirdoonka PIS-ta ay baaritaan ku hayaan dil dhawaan ka dhacay Woqooyiga Magaalada Gaal-Kacyo kaasi oo uu sheegay in si fool xun uu ku dhacay dilkaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay heeln maydka laba nin oo madaxa laga jaray taasina ay baaritaan ku wadaan islamarkaana ay maxkamad soo taagi doonaan ciddii ka danbeysay.
Dhawaan hadal uu jeediyay Wasiirka Amniga Puntland ayaa waxa uu ku sheegay in dilka raggaasi ay geysteen Ciidamada Sirdoonka Itoobiya balse ay kala xiriireen Saraakiisha Dowladaasi.
Shalay galinkii danbe ayaa Magaalada Gaal-Kacyo laga soo sheegay in ay gaareen gawaari dagaal oo ay wateen Ciidamo aad u badan oo ka mida kuwa Ethiopia oo aan la ogayn ujeedada socdaalkooda.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments