Maamulka Magaalada Kismaayo ayaa maanta Xabsiga dhigay wadayaal gawaari kuwaasi oo la sheegay in sharciga wadooyinka ay meel kaga dhaceen.
Bartamaha (Muqdisho) Masuulka maamulka Islaamiga ah ee magaalada kismaayo u qaabislsan xagga Ammaanka Wadooyinka ayaa sheegay in ciidamadooda ay soo qabteen ilaa 4Gaari oo shuruucda isticmaalka wadooyinka ku tuntay.
Sheekh Maxmed cali Tartiib oo ah madaxa ammaanka wadooyinka Kismaayo ayaa sheegay in darawalada gaadiidkaasi ay ka baxeen shiruucda wadooyinka isla markaasina ay xawaare sare ku wadeen gawaarida Gudaha magaalada .
Sheekh Tartiib ayaa sheegay in sharciga la soo taagayo raggaasi oo uu dheegay in ay xabsiga haatan dhigeen iyaga iyo Gawaaridooda kuwaasi oo uu sheegay in la soo taagi doono maxkamada magaalada Kismaayo.
Masuulkaasi islaamiyiinta Kismaayo u qaabislsan Ammaanka Wadooyinka ayaa sheegay sidoo kale in darawaladan ay horay u qabeen digniin isla markaasina haatan sharciga la marsiindoono maadaama ay balamadii lala galay ay ka bexeen
Maamulka Magaalada Kismaayo ayaa horay waxa ay u soo saareen amaro ay gaadiidka ku soo rogeen taasi oo ay qeyb ka ahayd in gawaarida si xirfadaysan lagu wado gudaha magaalooyinka iyagoona amar ku bixiyay in gaariga aan Birimada ama tan xigta ka badan aan lagu kaxeen Karin wadooyinka magaalada Kismaayo.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments