Maamulka kooxda Xizbul Islaam Ee Gobolka Hiiraan oo shaaca ka qaaday in ay dhexdhexaadin ku sameeyeen beelo wada daga Xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
 Â
Â
Â
Â
Â
Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh C/fitaax Xasan Aadan madaxa Kooxda Xizbul Islaam Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay bilaabeen howlo ay ku dhex-dhexaadinayaan beelo wada daga Xadka ay wadaagaan Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe .
Sheekh C/fitaax ayaa tilmaamay in ay kulamo la yeesheen duqowda Deegaanadaasi ay dagaalo beeleedyada ka jiraan isagoo sheegay in ay isla meel dhigeen xal ka gaarista xaalada dagaalo beeleedyada ay dadka badani ku nafwaayeen.
Sargaalkaasi madaxda ka ah Kooxda Xizbul Islaam ayaa balan qaaday in dhawaan ay ciidamadooda kala dhex-dhigi doonaan beelaha wallaalaha ah ee dagaalka dadka badani isaga dileen taasi oo uu sheegay in ay ka fogtahay shareecada islaamka isla mar’ahaantaana ay sidaasi iskugu xilqaameen.
madaxa Xizbul Islaam Ee Gobolka Hiiraan Sheekh C/fitaax Xasan Aadan ayaa ku baaqay in dhammaan dagaalada beelaha la joojiyo isagoo ugu danbayntii balan ku qaaday dagaal ay la galayaan koox waliba oo abaabulka dagaaladaasi ka qeyb-qaadanaysa taasi oo uu sheegay in shareecada allaah ay amrayso qaboojinta dagaalka Muslimiinta dhexdooda ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments