Maamulka Kismaayo oo ku biiray Xarakada Ururka Alshabaab Mujaahidiin
Bartamaha(Kismayo):- Shirkan jaraa’id ee uu maanta qabtay madaxa warfaafinta maamulka islaamiga ah ee kismaayo ayaa waxaa uu ku sheegay in maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo uu la midoobay Maamulada kale ee gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa hoostaga xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Hase yeeshee Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa mar ay saxaafadda wax ka weydiisay isbedelkani dhinaca siyaasadeed ah ee lagu sameeyay Maamulka Kismaayo sida ay u arkaan qeybihii kale ee maamulka u matalayay Kaambooni iyo Caanoole ayaa waxa uu sheegay in amuurtaasi ay u bandhigeen isla markaasina ay xiriirro badan kala sameeyeen hase ahaatee ilaa iyo iminka aysan ka helin wax jawaab ah oo wanaagsan waa siduu hadalka u dhigaye.
Mas’uulkan ugu sareeya dhanka Warfafinta Magaalda kismaayo Mar lawaydiiyay in Maamulka hada la midoobay Wilaayooyinka kale ee Gobbalada Dalka ee ay gacanta ku hayaan Shabbabul Mujaahidiin’’inay kamid yihiin Xisbiyadii kale ee Horay Maamulka oga tirsanaa ayaa waxa uu sheegay inaysan ku jirin,waxana uu sheegay inay wadahadalo Arinta mideenta ay layeesheen Xisbiyada Kaambooni Iyo Caanoole oo iyagu ka tirsan Xoogaga gudaha dalka ka dagaalama waxaana uu sheegay in aysan wax jawaab ka helin.
Sikastaba ha ahaatee arinani ah mideynta wilaayooyinka xarakada alshabaab ee ka arimiya inta badan gobollada koonfureed ee dalka soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa xilli ay magaalada ku suganyihiin masuuliyiin ka tirsan ururrada Raaskaambooni iyo Caanoole oo ilaa iyo hada aysan jirin wax hadalo oo ka soo baxay kuwaas oo ku aadan sida ay u arkaan ku biiridda maamulka kismaayo ee xarakooyinka ururka alshabaab.
Â
Xafiiska Wararka ee Bartamaha
Kismaayo-Somalia
Comments
comments