Maamulka Jubba oo ku hanjabay inay u aargudi doonaan Taliyihi Nabad sugida maamulka Kismaayo
Kismaayo_ Masuuliyin katirsan Maamulka Jubba ayaa maanta kaqayb galay Aas loo sameeyay marxuum Ciise Kaambooni oo ahaa taliyihii nabad sugiga maamulka Kismaayo oo xalay lagu dilay Kismaayo.
Masuuliyin uu kamid yahay Wasiirka amniga maamulka Jubba Maxamed Warsame (Darwiish) ayaa kaqaybgalay Aaska taliye Ciise Kaambooni, waxaana khudbado lagasoo jeediyay Aaska loogu tacsiyeyay eheladii uu kabaxay marxuumku.
Maxamed warsame Darwiish ayaa sheegay inay u aari doonaan taliye Kaambooni, waxaana uu intaasi raaciyay in dharbaxo kulul ay lakulmi doonaan kuwii kadameeyay dilka Taliyaha.
…,,, kuwa iska soo dhiiba Al-Shabaab yaan la aaminin, Shabaab Adeer, Abti, walaal midna malahan..,, ayuu hadalkiisa raaciyay Darwiish.
Taliye Ciise Kaambooni ayaa habeenkii xalay mid kamid ah ilaaladisa waxaa uu kufuray rasaas xili uu kusii jeeday gurigiisa taasi oo uu u geriyoday , iyadoona labo kamid ah ilaaladisana ay geeriyodeen.
Sarkaal u hadlay Al-shabab ayaa sheegay in dilka Ciise Kaambooni ay iyagu kadameeyeen, uuna ahaa qorshe muddo ay kaoso shaqaynayeen.
Ciise Kaambooni waxaa uu ahaa Sarkaal aad ay isugu dhowaayeen Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, waxaana kahar intanan lagu dhawaaqin maamulka jubba ay kawada tirsanayeen ururkii Raaskambooni ee dagaalka kula jiray Al-shabab.
Comments
comments