Calendar

Maamulka islaamiga ee magaalada kismaayo oo beeniyey wara sheegayey in qilaaf soo kala dhexgalay masuuliyiinta Maamulka.

xasan yacquub

Bartamaha(Kismayo):- Madaxa war faafinta Maamulka Islaamiga ah  ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa si kulul ugu jawaabay islamarkaasina wax kama jiraan ku tilmaamay war bixino ay dhawaan qoreen qaar kamid ah war baahinta caalamka kuwaasi oo sheegayey in qilaaf  soo kala dhex galay maamulka kismaayo ayoona qaar kamid ah shabakadaha wararka ee Afsoomaaliga kubaxa ay xuseen in Gabi Ahaanaba wax maamul ah uusan ka jirin Magaalda kismaayo Aygoona shhegay in ay Dhamaatay Muddiii uu ku Ekaa Maamulka islaamiga ee Magaalada kismaayo oo ay ku Tilmaameen Mid ku Meel Gaar ah

 Heseyeeshee Madaxa war faafinta Maamulka islaamiga eec Magaalada kismaayo shiikh Xasan Yacquub Cali oo Maanta war fidiyeenada kula hadlayey Gudaha magaalda kismaayo ayaa si kulul u beeniyey warbixinadaasi asagoona sheegay in ay yihiin warar been Abuur ah oo An sal iyo Raad toono lahayn wuxuuna sidoo kale shiikh Xasan Yacquub Cali uu intaasi ku daray in ay Ahaayeen  warbino la xariira xiisadihii colaadeed ee Dhawaan ka soo cusboonaaday qeybo ka tirsan Gobolkaasi G/godo wuxuuna carabka ku Dhuftay ay qoreen dad Doonayey in ay iska horkeenaan xoogaga islaamiyiinta ee ka Arimiya  Goboladani jubooyinka

 Sikastaba ha Ahaatee hadalkani kasoo yeeray masuulka ugu sareeeya maamulka islaamiga ee Magaalada Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa ku soo beegma Xilli maamihii ugu dembeeyey ay soo baxayeen warar Sheegaya in Qilaaf xoogan soo kala Dhexgalay xubnaha ugu sar sareeya maamulka kismaayo ayadoona sidoo kale arintani ay imaaneyso xilli Dhawaan Waqdo digniin ah lagu daadiyey gudaha magaalada Kismaayo Gaar Ahaana Goobo Aan sudaasi uga Agfogeyn xafiisyada maamulka islaamiga walow uu masuulkani maanta xusay  in ay Ahaayeen warqado iyo war bixino been abuur ah.

  Warar Xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com

 Ismaaciil Cali

Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: