Maamulka Islaamiga ee Kismaayo oo Mamnuucay in Raga iyo Dumarka ay Gaadiidka wada Raacaan
Shabelle: KISMAAYO
Â
Maamulka islaamiga ee Kismaayo ayaa soo saaray ammaro lagu mamnuucayo in ragga iyo Dumarka ay gaadiidka wada raacaan.
Â
Â
Wareegtadaani saakay ka soo baxday xafiiska u qaabilsan xagga wadooyinka maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa digniino loogu jeediyay baabuurta ka dhex shaqeysa gudaha Magaalada Kismaayo iyo kuwa gobolada ka shaqeeya.
Â
Wareegtada ayaa lagu sheegay in ugu horeeyn gaadiidka dadweyne ka shaqeeya xaafadaha magaalada Kismaayo aysan ragga iyo dumarku isku kuraas ku fariisan Karin oo aysan darawalada saarin Karin dad sidaasi ah,waxaana lagu sheegay wareegtada in gaadiidkii sidaasi lagu arkaa talaabo muuqata laga qaadi doono.
Â
Sidoo kale wareegtada waxaa lagu xusay in la mamnuucay maanta wixii ka dambeeya in ragga iyo dumarku ay is dhex fariistaan baabuurta gobolda dalka ka shaqeysa sida uu shaaca kaga qaaday madaxa ciidamadsa nabad galyada maamulka islaamiga Axmed Xasan Cali oo wareegtada ku saxiixnaa.
Â
Comments
comments