Maamulka Islaamiga ah Ee Magaalada Marka oo sameeyay gobo dadka lagu afuriyo gudaha Magaaladaasi.
Bartamaha (Marka)Â Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Marka ayaa sameeyay gobo dadka lagu afuriyo Bisha Barakaysan Ee Ramadaan taaso oo xalay si rasmi ah looga hergaliyay Magaalada Marka.Â
Madaxda Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Marka ayaa waxa ay xariga ka jareen goob lagu quudiyo dadka dhibaataysan bisha Ramadaan halkaasi oo lagu siinayo afurka dadka barakacayaasha Ee Magaaladaasi ku nool.
Madaxa Dacwada iyo Waxbarashada Maamulka Islaamiga ah ee Marka Sheekh Suldaan Maxamed (Aala Suladaan) oo saxaafada kula hadlayay goobta lagu quudinayo shacabka dhibaataysan ayaa waxa uu sheegay in arintaasi ay iska kaashadeen maamulka magaalada iyo ganacsadata xoolaha leh.
Â
Waa markii ugu horeysay Ee Maamulka Magaalada Marka ay gar-gaar u fidiyaan shacabka Barakacayaasha Eek u nool magalaada Marka halkaasi oo xalay dadkii ugu badnaa ay meel qura ka wada afureen.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments