Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo markii ugu horeeysay ka hadlay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday AMISOM.
Bartamaha(Kismayo):- Madaxa warfaafinta Maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa xarunta Degmada Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen dagaaladii iyo qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Maalmo kahor lala beegsaday saldhigga ugu weyn ee Ciidmada AMISOM ku leeyihiin Magaalada muqdisho ee caasimadda soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay in ay ahaayeen aargoosi iyo jawaab celin militari oo loogu aarayay weerarkii dhinaca cirka ahaa ee 14kii bishan lagu qaarijiyay Saalax Cali Saalax Nabhaan oo kamid ahaa saraakiisha sarsare ee urur weynaha Al-qaacida oo ayagu siyaasad ahaan kasoo horjeeda siyaasadda reer galbeedka iyo tan dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
 Wuxuuna shaaca ka qaaday sheekh Xasan yacquub cali in ay sii socon doonaan weerarada iyo qaraxyada ismiidaaminta ah ee lala bartilmaameedsanayo fariisimada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG ah ee Soomaliya ay ku leeyihiin Magaalada muqdisho, isagoona intaasi raaciyay in dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada mqudisho ay guuulo waaweyn kasoo hoyeen xoogaga islaamiyiinta islamarkaana ay ku le’deen madax iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKM ah ee Soomaaliya, iyadoona ay jireen warar hore oo tibaaxayay in dagaaladaasi uu ku geeriyooday taliye ku xigeenkii ciidamada AMISOM ee nabadilaalinta u jooga Dalka Soomaaliya.
 Sidoo kale sheekh xasan yacquub cali ayaa ugu baaqay dadweeynaha reer kismaayo in Maalinta ciida ah ay isugu yimaadaan Fagaaraha weyn ee Isbartiimo Feekiyo ee duleedka Magaalada Kismaayo si ay halkaasi ugu tukadaan Salaada ciida wuxuuna ugu baaqay imaamyada Masaajiadada in ay maalintaasi gabi ahaanba xiraan Masaajidooda si dadka oo idil hal meel ugu tukadaan.
 Shirkani jaraa’id ee uu maanta qabtay madaxa warfaafinta maamulka Kismaayo ayaa ku soo beegmaya xilli maalma kahor qaraxyo ismiidaamin ah lala beegsaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ee Caasiamdda Wadanka Soomaaliya.
Â
Ismaaciil Cali
 Xafiiska Wararka bartamaha
Kismayo-Somalia
Comments
comments